Gobolka Sitti ee Ka tirsan Soomaali galbeed ayaa ku dhaw inay Canfarii la wareegto. dhimashada 21.02.2023 ilaa 26.02.2023 waxa la sheegayaa inay dhanka Soomaalida Gobolka Sitti Dhimashadu gaadhayso ilaa labo boqol waa inta la garanaayo ama ma´ud kooda la heelay. dawladdii hore ayaa dhul badan oo ka tirsan gobolka Sitti ku wareejisay Canfarta. haddase Canfartu waxay rabtaa inay dhamaan gobolka Sitti la wareegto taasoo Sobobtay in Gobolka Sitti wax ciidani joogin. hadda waxaa ka dagaalamaayo gobolka Sitti waa in yar oo ciidan ah oo dhawaan yimiiday iyo dad badan oo reer guuraa ah Gobolka Sitti waxaa degan Beesha Ciise waana beesha uu ina Cumar geelaha Jabuuti maxadweynaha ka ah uu ka soo jeedo laakin waxaa la xaqiiyay inuu iskagu aad uu u necebyahay Ciisaha Degan Gobolka Sitti kuwaasoo uu u arko kuwo lagusoo hubayn karo Si iskaga xilka looga duuro. Ugaaska Ciisuhuu wuxuu ka amar qaataa Ina cumar geele. Ugaas Mustafe oo ah Ugaaska guud ee beesha Ciise maleh Maqaab sare oo hadda ay ku tix galiyeen dadkiisu waxayna ugu yeedhaan Daba qoodhi oo looga jeedo daba dhilif ama Basaas. waa shaqsi illoobay sharaftii uu dadkiisu lahaa iskagoo ka doorbiday inuu Siyaasi noqdo. Maleh Ugaas Mustafe dad aqoonyahano ah oo iskaga lataliyo marka laga reebo odoyaal uu iskagu suuqa kasoo xuushay.
Qoska Ugaaska Beesha Ciise
Abiihii Maxamed Ibrahim wuxuu beero ku leeyahay tuulada gabi oo u dhow Ayshaca waxaa la sheegay inuu dhulkaas oo ah dhul aad u balaadhan uu dad shacab ah xoog kaga qaatay. Sidoo kale Ugaaskaasi Wuxuu ilmo adeeradii iyo kuwa uu adeerada u yahayba u dhisay guryo aad u quruxbadan oo ku yaal Magalada qadiimiga ah ee Dire Dhaba.
Gobolka Sitti
gobolka Sitti maleh wax u dhaqdhaqaaqo oo aqoonyahano ah badal keeda waxaa jiro dad u dhaqdhaqaaqo sidii umadda reer Sitti maskaxda looga dilli lahaa oo taa waxaa kuu cadaynaayo dadka reer Dire Dhaba warba kama hayaan xasuuqa dadkooda ku socdo tusaale hadaad qof ciise ah oo dire dhaba jooga waydiisid dhibaatada gobolka Sitti ka socoto wuxuu kuugu jawaabi Ciisaha baadiha iyo Canfarta ayaa is laynaayo. waa dad maskaxda laga guumaystay oo aan wax dad ah oo baraarujiyona aan lahayn. qofka mid ah haduu Ugaaska dhaliilo waxaa loola hadlayaa Sidii inuu Dambaabay oo kale.
Maxaa dhicii karo haduu Ugaasku Dagaal ku dhawaaqo
waxaa dhamaan isku soo bixii lahaa Ciise aad u tiro badan kuwasoo ka jawaabaayo hadalka Ugaaska Sidoo kale wuxuu hadalkiisu gaadhi lahaa meelo badan lkn Sida la aaminsanyahay waxaa la sheegaa inuu iskagu dhulkaas Canfarta Siiyay ama uu la og yahay arinkaa Harbool Ma xaqiijineyso lakiin waa sida ay dad badan oo Ciise iyo Soomaalida kaliba aaminsanyihiin.